Wasiirka Cadaaladda โ€Waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg Garsoor oo Caddaaladda ku saleysanโ€

Date:

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa ka warbixiyay qorshayaasha ugu degsan Wasaaraddiisa dhanka horumarinta adeegyada Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka.

Wasiirka oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqday xabsiga Dhexe ee Baydhabo iyo xabsi cusub oo uu ku socdo dhismo, waxaana ku wehliya kormeerka Wasiirka Cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Isagoo ka hadlaya ahmiyadda Cadaaladda ayuu sheegay in ay yihiin aas aaska dowladnimo, laโ€™aantoodina horumar amni, mid bulsho iyo dhaqaale midna hagaagaynin.

โ€œWaxaa ii qorsheysan in la horumariyo dhamaan hayโ€™adaha garsoorka Federalka iyo Maamul goboleedyada 2021 waxaa noo qorsheysan in aan dhisno xabsiyo casri ah dhameystirnana kuwa hadda socda sidoo kale inaan tayeyno dhamaan garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta iyo dhismooyinka maxkamaduhu ku shaqeen lahaayeenโ€. Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in ka wasaaradda ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu dhoweyn lahaa adeegyada Cadaaladda.

Wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu la kulmay howlwadeenada Wasaaradda Cadaaladda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey shaqada ka socota guud ahaan Koonfur Galbeed gaar ahaan xarunta Wasaaradda.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in WasaaradDa Cadaalada ee Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ugu xaqiijin lahayd helidda hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adag ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay masโ€™uuliyiinta ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) yo taliyaha ciidanka Asluubta Koonfur Galbeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey...

Tartameyaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo...

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...