Saraakiisha ciidanka Itoobiya oo yeeshay kulan ay uga arrinsanayeen ugaarsiga madaxda TPLF+(SAWIRRO).

Date:

Taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiya .

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeeskiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhamaaday dagaalka  balse iminka uu bilowday ugaarsiga xubinta TPLF gaar ahaan saraakiisha hogaamineysay.

Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle  ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.

TPLF ayaa ka da gaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...