Maalinka caalamiga ee dadka baahida gaarka qaba ama naafada ah oo aduunka laga xusayo.

Date:

3 December waa maalinka caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah waxaana qaramada midoobe u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan.

Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan maafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .

Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 15 % dadka aduunka waxa ay la noolyihiin baahiyaha gaarka ama lixaadka aan dhameystirneyn.

Arintan ayaa ka dhigan in dad ka badan hal bilyan oo qof ay qabaan nooc naafada ka mid ah guud ahaan aduunka.

450 malyuun oo dadkaasi ka mid ah waxaa la sheegay in ay qabaan xanuunada dhimirka .

Sida warbixinta lagu sheegay 69 malyuun oo qof ayaa waxaa sanad kasta ku dhaca xanuun ka dhashay jug ama dhaawaca maskaxda ka gaaray kaas oo qofka qal qal galiya.

Xanuunka covid-19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba.

Sahan ay WHO ka qaaday 130 dal ayaa lagu sheegay in ay kordheen dadka xanuunada qalqalka maskaxda qaba sanadkan 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika.

Muqdisho, Jannaayo, 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...