Doon sida shixnad isugu jirta gaadiid,shidaal iyo qalabka dhismaha oo gaartay dekada magaalada Hobyo.

Date:

Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, Doonnidan oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah.

Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah.

wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir shuuriye oo saxaafada la hadlay ayaa yiri

Waxa aan u mahadcelinayaa ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxaa aan dhinaca kale codsi u diraynaa ganacsatada kale ee reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo, annaga oo maamul ahaan ku soo dhaweynayna Adeeg Hufan iyo dhiirigelin wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...