Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS oo maanta daahfuray kulan wadatashi ah+(SAWIRRO).

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta daahfuray kulan wadatashi oo ku saabsan shaqo abuur loogu talagalay barakacayaasha Dalka ku soo laabtay iyo kuwa gudaha ku barakacay.

Kulankan ayaa kulmiyay dhammaan agaasimayaasha guud ee shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, wakiilo ka socda Wasaaradaha ay khuseyso, hogaamiyayaasha dhalinyarada, haweenka, bulshada rayidka ah iyo ururada ardayda iyadoo ujeedadu tahay in laga wada hadlo sida ugu wanaagsan ee shaqo loogu abuuri karo bulshada barakacayaasha ah.

Barnaamijka oo ay taageerayso hay’adda UNHCR ayaa looga golleeyahay in lagu abuuro 250,000 oo shaqo 5 sano gudahood. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo ka hadlay munaasabadda ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Dowlad-gobolleedyada ay si dhow ula shaqeyso wasaaradda si loo hubiyo in barakacayaasha iyo kuwa soo laabanaya ay helaan fursado shaqo si loo abuuro horumar waara. ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...