Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka oo jab wayn u gaystay maleeshiyada argagixisada.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka oo Maleeshiyaad Ka tirsan,Al-Ashabaab Ku dilay gobolka Shabeelada hoose, Kadib howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ka fuliyeen deegaanka Ceel Maracadde ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidamada ayaa Dilay maleeshiyaadkan ka tirsan argagixisada Al-shabaab, waxay sidoo kale halkaasi ku bur-buriyeen goobtii argagixisada shacabka soomaaliyeed uga qaadi jireen lacagaha baadda ah.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa intii ay howlgalka qorshaysan ku gudajireen waxay gabi ahaanba bur-buriyeen goobaha maleeshiyaadka Al-shabaab gabbaad u ahaa oo ay ka mid ahayd meel maxkamad beenaad u ahayd iyo xaruntii uruurinta lacagaha baadda ee shacabka ayka qaadijireen.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor waxay argagixisada ka dileen 17-maleeshiyaad ah iyo 6 dhaawac ah sida uu ku soo waramay Wariyaha Idaacadda ciidamada Qalabka Sida  Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo howlgalka goob joog ka ahaa.

Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...