Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeeda Kenya, danjiraha Kenyana ku wargalisay inuu dalkiisa ku laabto.

Date:

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda FS mudane Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda FS ayaa goโ€™aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Dawladda FS waxay Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda FS aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...