Wasiirka Qorheynta oo la kulmay hayโ€™adaha Masiibooyinka Puntland+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hayโ€™adaha Gar-gaarka Arrimaha Beniโ€™aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntland.

Kulanka waxaa loo ga hadlay saameynta duufanta GATI ee ku dhuftay deeganada Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdicasiis Cabdullaahi Axmed oo ah Maamulka Hayโ€™adaha Gargaarka Arrimaha Beniโ€™aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay dhul baxaadlehโ€™ oo ay ka midyihiin Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin kale ah.

โ€œMudane Wasiir Duufaanta GATI waxa ay sababatay geerida 12 ruux oo 8 Yemaniyiin tahay ย iyo Afar Soomaali ah, sidoo kale qiyaasta dadka ay saameysay ayaa gaaraya 200 oo qoysas ah oo ku kala nool deegaannada ย Xaafuun, Iskushuban, Gurdiya iyo Baargeele.

Halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari ayey galaafatay Duufunta, waxa ay jartay Isgaarsiinta iyo koronta oo ay dhulka la gashay Duufaanta GATI,

Waxaan ku soo gaarsiinay dhibaatada halkaasi ka jirta Mudane Wasiir waxaan codsaneynaa in gurmad deg-deg ah lala soo gaaroโ€ ayuu yari Cabdulcasiis.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xukuumaadda Federaalka Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay ku dhuftay Duufanta GATI deegaanada Mamullka Puntland, waxuuna hoosta ka xariiqayย  ka Wasaaradd ahaan ay diyaarinayaan isku dubaridka hayโ€™adaha Gar-gaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaaban xaaladda Beniโ€™aadannimo ee ka jirto halkaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxaa kulanka ku wehliyay Madaxa Xafiiskaย  Xalka-waara, Zahra Cabdi Maxamed iyo Masuuโ€™iliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...