Munaasabad lagu furayay xafiis uu yeelanayo ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo ayna ka qayb galeen madax ka socotay safaaradda ka dhacday Kampala+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabadan lagu daah furayay xafiis uu ugu adeegi doono ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa waxaa ka qayb galay Uqaysanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Liibaan Xuseen Deerow iyo madax kale.

Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdimaajid Cabdiraxmaan Salaad ayaa uga mahadceliyay taageerada balaaran ee safaaradda Soomaaliya siisay ururka ardayda si xafiiskan u furaan, isagoo si gaara ah uga mahadceliyay siihayaha Safaaraddda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur.

Gudoomiye Maajid ayaa ardayda Soomaaliyeed ee Uganda waxkabarata ugu hambelyeeyay xafiiskan cusub oo ardayda loogu adeegi dooni.

Uqeybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Liibaan Xuseen Deerow oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dadaal dheer lagu bixiyay in maanta la hirgaliyo xafiiskan ardayda u adeegi doona.

Liibaan ayaa sheegay in Safaaradda oo uu horkacayo Siihayaha Safaaradda Cali Cagabaruur ay mahadeeda leedahay hirgalinta xafiiskan.

Ururka arday ayaa in muddo ah lahayn xafiis ay ku shaqeeyaan si ardayda wax ugu qabtaan, waxaana muuqata in xiligan ay ardayda iyo safaaradda dadaal ku bixinayso sidii ururka iyo waxqabadkiisa loo hormarin lahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...