Tababar loo furay qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS+(SAWIRRO).

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Xaaji Xuseen ayaa xarunta Wasaaradda ka daahfurtay tababar la xiriira Tayeenta shaqaalaha.

Tababarkan ayaa Waxaa ka qeybgalay  madax qeybedyada  iyo howlwadeennada waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia.

Ujeeddada tababarka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Shaqaalaha, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali uu daahfurka ka sheegay tababarka inuu noqon doono mid la joogteyn doono si loo helo shaqaale awood u leh howlaha ay u hayaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...