Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda XFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xuno kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta wasiirka cusub isagoo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta soo dhaweeyo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar, waana kula shaqeynayaa si uu uguto waajibaadka culus ee loo igmaday” ayuu yiri wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa uga mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale uu madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda uga mahadceliyay magacaabista isagoo xusay in  uu halkeeda kasii wadayo shaqada loo igmaday.

“Waxaana marka hore uga mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka fursada ay isiiyeen inaan ka mid noqdo xukumadda si aan qeyb-uga noqdo hannaanka lagu xoojinayo dowladnimada,sidoo kale waxaan u mahadcelinayaan wasiirkii hore wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-kii bishaan isbeddel uu ku sameeyay wasaaradda arrimaha dibadda ugu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...