Puntland oo Guddi Gaar ah u saartay Roobabka Dabaylaha watay ee ku dhuftay Gobalka Bari+(SAWIRRO).

Date:

Shirkan Deg dega ah ee Golaha wasiirada Puntland uuna shir guddoominayay Kuskmaha Madaxwaynaha Puntland ayaa yimid kadib Markii roobab dabaylo watay ay ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari gaar ahaan deegaanada Saaran xeebaha haba ugu darnaato dagmada xaafuun ee .

Shirkan deg dega ah ee Golaha wasiirada Puntland ayaa lays kula qaatay in loo saaro xaaladaasi dag daga ah ee ka soo cusboonaatay Gobalka bari Guddi gaar ah oo ay hormuud u noqonayso Hay’ada kahortagista iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA si loola socda xaaldaha hadba jira iyo gurmad wixii la gaarsiin karo sida uu war bahinta la wadaagay markii u shirku soo dhammaaday Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta,Hidaha iyo Dhaqanka Puntland C/laahi Xirsi Tima cade.

Wasiir timacade ayaa Dhanka kale Bulshada Puntland iyo soomaaliyeed ba ka codsaday in loo gurmado bulshada Bari gaar ahaan dagmooyinka ay sida gaar ka ah u saameeyeen Roobabkan iyo dabaylaha wada jiraaa.

Xaafuun,Hurdiya,Caluula iyo isku shuban iyo deegaanada kala duwan ee hoostaga ayaa ah Meelaha laga soo sheegayo saamaynta ugu badan ee ay gaysteen Roobabkan dabaylaha wataayi.

walow wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno boosaasana ay sheegaan inay jiraan Biyo badan oo uu soo rogay roob hayay magaaladaasi in ka badan 24saac balse ma jiro wax khasre ah oo wali laga soo sheegay Gudaha Boosaaso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...