Hay’adda FAO oo Degniino hor leh ka soo saartay Xaalada Duufaanta GATI ee Gobolada Bari iyo Waqooyi Soomaaliya.

Date:

Heyada FAO ee qaramada midoobe ayaa uga digtay kaluumeysatada Puntland iyo Somaliland in aanay badda galin 24 saac ee socota.

FAO waxaa sheegtay in saameynta duufaanta GATI oo shalay galinkii danbe gaartay xeebaha soomaaliya ay sababtay in mowjadaha badda ay kacaan oo aan wali la isku haleyn karin xaalada badda.

Duufaanta oo ay la socdeen roobab xoog leh ayaa 12 saac ee la soo dhaafay ku dhufutay xeebaha waqooyi bari ee soomaaliya.

Duufaanta oo xawaaraheedu iminka yaraaday ayaa FAO sheegtay in u gudubtay dhanka waqooyi galbeed.

FAO waxaa kaloo ay saadaalineysaa roobab xoog leh oo maalmaha soo socda ku hoora Puntland iyo Somaliland.

Duufaanta GATI ayaa saameysay qeybo badan ka mid ah gobolada Bari iyo Sanaag waxayna geysatay qasaare naf iyo maal leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...