Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona+(SAWIRRO).

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka 2021/2025, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona.

Ugu horeyn, golaha wasiirrada ayaa waxey warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican marayaan, lana dardargelin doono, iyadoo uu ka codsaday shacabka in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga.

Golaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka dhageystay warbixin la xiriirta Caabuqa Karoonaha, iyadoo sheegtay in xanuunku uu soo laba kacleeyay, isla markaana bulshada looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la iskula gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025, arrintan oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Xukuumadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...

Wasiirka Difaaca “Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka Daacish”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim...