Dowlada Mareykanka oo Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab ku dartay liiska argagixisada

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil,” waa khabiirka sare ee kooxda argagixisada ee mas’uul ka ah guud ahaan maaraynta hawlgallada, qaraxyada iyo soo saarista ee Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu lataliye gaar ah u yahay waxa loogu yeero “amiirka” Al-Shabaab waana hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, al-Kataib.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya. Ayman wuxuu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii January 2020 ee ka dhacay Camp Simba agagaarka Manda Bay ee dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen hal xubin oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle Mareykan ah.

Al-Shabaab, oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay inay tahay Urur Argagixiso bishii Maarso 2008, waa mid ka mid ah ururada ugu halista badan kooxaha al-Qa’ida. Waxay sii waddaa in ay khatar geliso nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo sidoo kale Kenya Ayey tiri waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Waxa ay intaasi ku dartay, Dowladda Mareykanka in ay ka go’antahay in ay carqaladeyso hababka maaliyadeed ee sharci darrada ah ee Al-Shabaab, iyadoo la xaddidayo awooddeeda ay ku qaadi karto weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyo in ay ku taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeynta maalgelinta argagixisada iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladaha si loo yareeyo awoodda iyo howlaha kooxaha argagixisada, loolana dagaallamo kooxaha iyo saameynta ay ku leeyihiin Bariga Afrika.

Kadib shaacinta magacyada argagixasadaani, waxaa la mamnuucay in wax macaamil ah lala yeesho Maxamed iyo Ayman waxayna ogeysiineysaa dadweynaha iyo beesha caalamka in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha urur argagixiso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...