IGAD oo ka walaacsantahay xaalada dalka itoobiya waxayna ku baaqday wada hadal.

Date:

Urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan arimaha ka soo cusboonaaday Dalka itoobiya gaar ahaan gobalka tigreega halkaas oo IGAD ay si dhow ula socoto arimaha ka taagan.

IGAD ayaa dhanka kale ugu baaqday dowlada itoobiya iyo dhinacyada ay arinta quseyso in ay dulqaad muujiyaan ayna ka shaqeeyaan hanaankii xiisada loo qaboojin lahaa laguna xaliyo qilaafka wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale tilmaamay in ay aaminsanyihiin in itoobiya ay gobalka u tahay tusaalaha ama iftiinka xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha iyo waliba tiirka nabadda  iyo amaanka ee mudada dheer ka jiray dalkaasi.

Ugu danbeynta IGAD ayaa waxaa ay sheegtay in ay u rajeneyso Wadanka itoobiya xaaladiisa caadiga in uu ku soo noqdo si dhaqso ah Waxaana intaasi lagu daratay in ay la soconeysa marxalada iyo wixii ku soo kordha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowladda...

Madaxweynaha Dowladda Galmud ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalinta aasaaskooda ee 12-ka April.

Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...