Xoogga dalka oo dilay horjooge sare oo argagaxiso ah.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo argagixisada Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha baadda ah, iyagoo sidoo kalana soo saaray miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...