Madaxweynaha Glamudug oo hortagay Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare.

Date:

Madaxweynaha Galmudud mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta hortagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BFS, kadib kulan gaar ah oo lagu casuumay Madaxweyne Qoorqoor.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaruunta kusoo dhaweeyay isla markaana hadal kooban jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyta Golaha Aqalka sare iyo dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Qoorqoor uga warbixiyay qorsha howleedka golaha iyo sharciyada ay gudbiyeen iyo kuwa horyaalla, isagoo tilmaamay in ay sharciyada horyaalla ay gudbin doonaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa isagua la hadlay Guddiga joogtada ah ayaa ka warbixiyay guud ahaan xaaladaha Galmudug iyo horumaradii ay sameeyeen tan iyo markii uu xafiiska tagay, wuxuu si gaar ah diradda u saaray shirirakii Dhuusamareb ay marti galisay iyo guulaha laga gaaray.

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Muqdisho ka socda inuu kusoo dhammaan doono wanaag iyo isu tanaasul, laguna saxiixo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, wuxuu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Bulshada sooomaaliyeed qadiyadaha arrimaha doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...