Madaxweynaha Koonfur galbeed oo kormeer shaqo ku tagey wasaaradda maaliyadda maamulkaasi “Sawirro”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ka Duulaya ka miro dhalka Wax ka ogaanshiyaha Dadaalada Loogu adeegayo Shacabka Koonfur Galbeed ayaa Kormeerka u kuura-gelida Habsame u socodka Shaqooyinka Wasaaraddaha Waxa uu ku tagay Wasaaradda Maaliyada si uu Wax uga ogaado Isbedelka Hanaanka Maaliyadeed ka dib markii Dalka Sameyn ku yeeshay Cudurka  Covid-19 .
Wasiirka Maaliyada Axmed Maxamed Xuseen Agaasimaha Guud Wasaarada Ali Abdi iyo Qaar kamid ah Howlwadeenada Wasaarada ayaa Xarunta Wasaarada kusoo dhoweyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen, soo dhoweynta ka dib Madaxweynaha ayaa kulan Saacado qaatay la yeeshay howlwadeenada Wasaaradda Waxaana uu ka dhegeystay hanaanka maliyadeed iyo Isbedelka ku dhacay ka dib markii Dhaqaalaha Dalka Sameyn ku yeeshay Covid 19 Waxaana sidoo kale ay Tilmaameen in Wasaaradda ay wado siddii Dhaqaalaha loo kordhin lahaa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka ugu  Mahad celiyey Dadaalada Hormarineed ee ay ka sameeyeen Hanaanka Maaliyada, Waxaana uu ku Bogaadiyey inay Sii kordhiyaan Shaqada loogu adeegayo Shacabka .
Axmed Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kulan ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegey in kulankaan 6dii biloodba mar Madaxweynaha ay la qaatan si ay Warbixin ugu siiyaan waxqabadka Wasaaradda.
Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Sii hayaha Wasiirka wasaarada Gargaar oo Maanta Baydhabo gaaray Waxaana uu ka dhagaystay Socdaalkiisa Baydhabo Wasiir Xamza ayaa Madaxweynaha uga Warbixiyey in socdaalkiisa uu ahaa keenida Qalabka kadigista halis wadareedka kaasi oo maanta ay ku wereejiyey Wasaaradda Gargaarka KG.
    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...