Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay dad lagu tuhmay qarax ka dhacay Baladweyne.

Date:

Ciidamada ammaanka ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne .

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa, wuxuuna xusay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa, baaritaana ay ku wadaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka tacsiyadeeyay dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay Baladweybe, wuxuuna sheegay in argagaxisadu beegsaneyso goobaha ay shacabku isugu yimaadaan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay afaafka hore ee garoonka kubbada cagta Laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...