Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay dad lagu tuhmay qarax ka dhacay Baladweyne.

Date:

Ciidamada ammaanka ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne .

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa, wuxuuna xusay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa, baaritaana ay ku wadaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka tacsiyadeeyay dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay Baladweybe, wuxuuna sheegay in argagaxisadu beegsaneyso goobaha ay shacabku isugu yimaadaan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay afaafka hore ee garoonka kubbada cagta Laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...