Duqa Muqdisho oo daah furay tabobar lagu baranayo kor u qaadidda howl wadeennada waxbarashada Gobolka.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay tababbar aqoon kororsi ah oo lagu baranayo Jiheenta awood-dhiska aqooneed ee howl wadeennada waxbarashada gobolka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir Muuse Cali Abiikar ayaa sheegay in ay soo xuleen dad lagu aamini karo tababbarka in ay uga faa’ideystaan siddii loo baahnaa isagoo xusay in la joogteyn doono tababbarada shaqaalaha si sare loogu qaado aqoontooda.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Jaketti ayaa shaqaalaha ku boorisay in ay laba jibbaaran dadaalkooda, ayna ka faa’ideystan waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shaqaalaha qaadanaya tababbarkaan u rajeeyay in ay waxbadan oo hore uga maqnaa ay ka helaan,wuxuuna kula dardaarmay in jiilalka kale ay uga faa’ideyaan waxa ay bartaan.

Tababbarkaan oo ka dhacay xarunta agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir uu ku leeyahay degmada Xamarweyne ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku xigeennada gobolka,agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada agaasinka waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...