DFS oo Barnaamijka Baxnaano ka daah furaysa Baydhabo.

Date:

Sii hayaha Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย  mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynt ย barnaamijka Baxnaano oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay in lagu taageero muwaadiniinta nugul ee danyarta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka.

โ€œWaxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkan oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalkaโ€ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.

โ€œWaxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhaboโ€ayuu yiri wasiir Warfaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale