Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Roobabkii Xalay Iyo Saameeynta Magaalada

Date:

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay caasimadda Dalka ee Muqdisho habeenkii xalay ahaa uu saameyn ballaaran ku yeeshay bilicda iyo muuqaalka magaalada, isagoo xusay in ay biyo fariisteen qaar ka mid ah Waddooyinka waa-weyn ee magaalada.

Duqa Muqdisho oo maanta Saxaafadda la hadlayay ayaa balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda ay si deg deg ah howl lagu dardargelinayo horumarinta Nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada la bilaabayo, isagoo la dardaarmay dhammaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan in ay kaalin weyn ka qataan Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Caasimadda mudane Cumar Filish ayaa sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, islamarkaana Maamulka Gobalka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta caasimada, dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigelin bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...