Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday In Tododbaadka Xorriyadda Loo Bedelay Daahfurka Mashaariic Horumarineed

Date:

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban Qaabada Todobaadka Xorriyadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay  sanadguurada 60-aad  ee markii aan qaadanay xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic hormarineed ee laga fulinayo guud ahaan dalka maadaama wali lagu jiro xaaladii la dagaalanka cudurka safmarka ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegey in micnahu uusan aheyn inaan la dabaal degeynin hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxada iyo weyneynta todobaadkaan maadaama aytahay midnimada ummaadda Soomaaliya.

“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahaan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaa midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba,dowladduna waxa ay fureysaa mashaariicyo farabadan”Ayuu yiri wasiir maareeye.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda ahna wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sidoo waxa uu dowladda goboleedyada ku booriyay inay muujiyaan muhiimadda maalhaan ay leeyihiin isagoo ku amaanay madaxweynaha koofurgalbeed sida uu diyaar garoobay isla markaana ay uga muuqanayaan dar dargalinta howlaha loogu diyaar garoobayo dabaal degyada .

Ugu dambeynti wasiirka warfaafinta waxaa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go,antahay sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa hormar balaaran iyo in bulshada loo qabto adeegyada ay u baahanyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...