Ciidamada Kumandooska Soomaaliya Oo Alshabaab Kala Wareegay Degaano Ka Tirsan Jubada Hoose +Sawirro

Date:

Taliyaha ururka 5 aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab, Gaashaanle Xasan Aadan ciraaqi, ayaa sheegay in ay dileen 6 kamid ah argagaxisada Alshabaab ka dib markii howlgal ka sameeyeen ciidanka degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Waxaa uu intaas ku daray, in sidoo kale, argagaxisada Alshabaab kala wareegeen tuulooyin ay kamid yihiin; Xawaal-jiri, Bernasey, Yaaq-Bishaar iyo Cusbo oo ka tirsan gobolkaas.

Sawiro goobaha ciidanku la wareegeen ayaa lagu arkayay askarta xoogga dalka oo dadka degaanka u qeybinaya cunto iyo dawo, maadaama shacabka dhibaato ku qabeen la jooga argagaxisada ka hor inta aan lagu xoreynin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...