Wasiir Fowsiya Nuur Oo Si Adag U Cambaareysay Falkii Lagu Xasuuqay Dhakhaatiirta, Dalbateyna Inay Helaan Cadaalad

Date:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada c/fimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad, Gobalka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka C/fimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in howl-wadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil.

โ€œWasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyoโ€. Ayay tiri Wasiir Fawsiya oo hadalkeeda ku dartay โ€œWaxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololeeyโ€.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale