Wasiir Fowsiya Nuur Oo Si Adag U Cambaareysay Falkii Lagu Xasuuqay Dhakhaatiirta, Dalbateyna Inay Helaan Cadaalad

Date:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada c/fimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad, Gobalka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka C/fimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in howl-wadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil.

“Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayay tiri Wasiir Fawsiya oo hadalkeeda ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololeey”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....