Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Ee Puntland Oo Gaalkacyo Ka Dhacay 

Date:

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhaw lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland,  Alleha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), xilli uu ka soo baxay shir looga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ka dhacay xarunta gobalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah illaalada guddoomiyaha iyo dad shacab ah ay wax ku noqdeen qaraxa oo ahaa  mid ismiidaamin ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa cambaareeyey weerarkan argagixiso maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...