Puntland Oo Cambaareeysay Weerarkii Argagixiso Ee Uu Ku Geeriyooday Guddoomiyihii Gobalka Mudug

Date:

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay magaca Dowlad-goballeedka  iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...