Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Dib Ugu Celinaysa Dadka Ku Xayiran Kenya.

Date:

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya.

Dadka la celinayo waxaa qasab ah in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka COVID-19 sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.

Safaaradda ayaa maalmihii la soo dhaafay  diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya,  iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May.

Kaalinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...