Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS Oo La Kulmay Ardayda Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Dalka Uganda

Date:

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur), aqoonyahannada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud, fursadaha Aqoonyahanka u banaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in deyn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu gelisay arrintaasi iyada ah si dalku u gaaro horumar dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahad-celiyay gacansiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala uga qeyb galaya shir looga hadlayay arrimaha Xuquuqda Shaqaalaha isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Qurba joogta Soomaaliyeed eek u sugan gudaha magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...