Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa taageeray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalintii shalay ka dhacday magaalada dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah Bulshada oo Maanta isku soo bax ay ku tageerayaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ka sameeyey Magaalada Galkacyo ayaa tilmaanay in ay tageerayaan dadaalada Dowladda Soomaaliya iyo hannaanka loo maray dhismaha Dowlad Goboleedkaasi.
Maalintii shalayna waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo ku xigeennadiisa.
Dhinaca kale qaybaha Bulshada deegaannada Galmudug ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhusamareb ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
Bulshada ayaa Xildhibaannada Galmudug ugu baaqay inay Doortaan Madaxwayne Samatabixin kara Galmudug maadaama dhowaan la filaayo doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenka.