Ciidamada Xoogga Dalka oo muujiyay kaalinta kaga aadan baajinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Galgaduud

Date:

Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ku guuleystay baajinta dagaallo kale oo ka dhaca galbeedka gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ku dagaallameen maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo isku deegaan ah.

Ciidamadaasi oo dhowaan gaaray halkaas ayaa haatan ku kala dhexjira maleeshiyo beeleedyadaasi oo maalmo ka hor ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud.

C/kariin Axmed Bulxan oo warbaahinta Qaranka uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay ku guuleeysteen baajinta dagaal kale oo dhexmara malleeshiyaadkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadu ay kala dhexgaleen islamarkaana kala durjiyeen labadii dhinac ee colaaddu dhexmartay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada ay colaaddu ka dhacday ayaa ciidamada XDS ka dalbaday in ay xaqiijiyaan dhameynta colaaddaasi, iyagoo ammaanay kala dhexgalka labadaasi dhinac.

Ciidamada XDS ayaa hore u kala dhexgalay una baajiyay colaad hore u dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega bariga magaalada Gaalkacyo, taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Dagaallada noocan ah ayaa dhibaatada ugu badani waxey inta badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan iyagu qeybta ka aheyn colaaddaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...