Shir Looga Hadlayo Doorka Odoyaasha Dhaqanka Oo Lagu Qabtay Jowhar

Date:

Wadatashi ku aadan dib u-eegista waxyaabihii u soo qabsoomay sanadihii la soo dhaafay Maamulka Hirshabeelle oo uu soo qaban qaabiyay Xafiirka Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka wadatashiga ah oo ay ka qeyb galeen madaxda Hirshabeelle, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray doorka odoyaashu ay ku leeyihiin dhismaha maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadatashigan uu yahay mid muhiim ah.

“In la wada tashto waa wax aad u fiican, laga tashto wixii shalay qabsoomay, labada Gobol dhismahiisa dadkii ka qeyb qaatay ayaad tihiin, mana la inkiri karo kaalinta odoyaasha ay ka qaateen dhismaha Maamulkan”ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed oo daah furay kulanka ayaa ka mahadceliyay qaban qaabada shirka wadatashiga ah ee looga hadlayo doorka odoyaasha dhaqanka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweyaha labada qodob inay tahay kow doorka odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin maamulka iyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Odoyaasha, runtii tan iyo bur burkii dalka Odoyaasha dhaqanka ayaa door ku lahaa dhismaha dowladnimada” ayuu yiri Cismaan Maxamed Barre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...