Shir Looga Hadlayo Doorka Odoyaasha Dhaqanka Oo Lagu Qabtay Jowhar

Date:

Wadatashi ku aadan dib u-eegista waxyaabihii u soo qabsoomay sanadihii la soo dhaafay Maamulka Hirshabeelle oo uu soo qaban qaabiyay Xafiirka Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka wadatashiga ah oo ay ka qeyb galeen madaxda Hirshabeelle, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray doorka odoyaashu ay ku leeyihiin dhismaha maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadatashigan uu yahay mid muhiim ah.

“In la wada tashto waa wax aad u fiican, laga tashto wixii shalay qabsoomay, labada Gobol dhismahiisa dadkii ka qeyb qaatay ayaad tihiin, mana la inkiri karo kaalinta odoyaasha ay ka qaateen dhismaha Maamulkan”ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed oo daah furay kulanka ayaa ka mahadceliyay qaban qaabada shirka wadatashiga ah ee looga hadlayo doorka odoyaasha dhaqanka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweyaha labada qodob inay tahay kow doorka odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin maamulka iyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Odoyaasha, runtii tan iyo bur burkii dalka Odoyaasha dhaqanka ayaa door ku lahaa dhismaha dowladnimada” ayuu yiri Cismaan Maxamed Barre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...