Qatar oo mashaariic ka hirgelineysa maamul goboleedka Hirshabeelle

Date:

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Dr ; Maxamed Cabdi Waare,  ayaa Shalay Madaxtooyada Jowhar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ,Danjire; Xasan Bin Xamsa Asad Haashim.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay Qatar ka fulineyso Hirshabeelle, sida dhismaha Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar oo Maalmaha nagu soo aaddan la billaabayo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle,Maxaned Bashiir Qaasim, ayaa dhanka kale sheegay in Wafdiga reer Qatar ay kormeer ku sameeyeen , wersheddii Isnai ee Sonkorta iyo Beeraheedii, wxayna ka wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa.

Sidoo kale waxay kormeer ku sameeyeen, Beerahii Bariiska iyo goobihii lagu dhigi jiray dalagyadii kala duwanaa ee ay Jowhar caanka ku ahayd, wuxuuna Wasiirku sheegay in ay ka faa’iideysan doonaa fursadaha hor yaalla.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane; Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle,Sheekh Cusmaan Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...