Muqdisho (SNTV) Guddiyada Joogtada Labada Gole ee BJFS oo kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho”Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA):-Kulan wadajir oo xalay magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomiyanayay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka oo ay Sidoo kale ku sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim “Muudey” iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” waxa uu ahaa kulan lagusii amba qaadayay dar dar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...