Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo sheegay in ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan

Date:

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sheegay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin xagga abaaraha ah, taas oo ah mid aad u xanuun badan, balse waxaa hareer yaalla fursado iyo rajo.

Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay saamaynayso 2,200,000 (Laba Milyan iyo Laba Boqol oo kun) oo Qof, wuxuna sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay caawiso Dadkaas, kuna taageerto Agab ay ugu baxaan dhibaatada.

Danjire; Yamamoto, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, fursado iyo dedaallo uusan arkin muddo dheer, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya Dowladdooda ay wajihi karaan baahiyaha taagan.

Mar wax laga weydiiyay Safiirku sida loo hir geliyay deeq gaaraysa $900,000,000 (Sagaal Boqol oo Milyan oo Dollar), oo uu Maraykanku ballan qaaday Sanadkii tagey.

“Tani waa arrin aad muhiim u ah, Soomaaliya ma aysan helin wax badan oo caawin ah oo ay isticmaasho waqti dheer, laakiin Sanadihii dambe waxaa aad u kordhay kaalmada la siinayo, keliya gargaar Bini’aaddannimo ma aha sidoo kale waxaan wax ku bixinaa Wax barashada, sababtoo ah aqoontu way horumarisaa wax walba, wax barshada si guud waa furaha horumarka dhaqaalaha ” Ayuu yiri Mr; Yamamoto.

Sidoo kale Danjire; Donald Yamamoto, ayaa sheegay in ay sameeyeeyeen dedaallo shaqo abuur ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Danjiraha, ayaa sheegay in Sanaddii hore ee 2018-dii oo keliya ay abuureen 117 fursadood, isagoo intaa raaciyay in ay wadaan dedaallo la xiriira wax soo saarka Dalka oo ay ka mid yihiin wax soo saarka tacabka Beeraha, Kalluumeysiga IWM.

Wuxuu sheegay in ay jiraan tababarro xagga aqoonta ah oo loogu faa’iideynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed oo 70% ah Bulshada, isagoo intaa raaciyay in rajada ku aaddan dhiirri gelinta da’ yartuna ay tahay mid aad u wanaagsan.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanku ay waddo qorshe shaqa abuur loogu sameynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay wadaan mashaariic lagu abaabulayo 2,000 oo Kalluumeysato ah.

Hindisaha Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay arkaan Soomaaliya oo Qeyraadkeeda ka manaafacaadsaneyso, si ay Bulshadu ugu baxdo saboolnimada jirta.

Mar uu Mr; Donald Yamomoto ka hadlayay doorka Maraykanka ee xasilinta Soomaaliya ayuu sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in taageeraan howlgallada nabad diidka ka dhanka ah, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in Dadka ku nool goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab ay helaan fursado shaqo iyo waxbarasho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...