Ciidanka Amniga oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey gudaha iyo duleedyada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) Howlgalkaan lagu sugayay Amniga Caasimadda ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran waxaa ay ka sameeyeen waddooyinka Sodonka,Warshadaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,si loo xoojiyo amniga caasimadda,si bulshada ay u helaan amni la isku haleyn karo.

Intii uu socday Howlgalkaan ayaa waxaa la baarayay Gadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dadweynaah,taasi oo qeyb ka ah qorshaha amniga.

Ciidamadan oo tababaro dheerad ah heysta ayaa ugu horeyn howlgaladooda ka bilaabay isgoyska Baar-ubax ee jidka Sodanka,waxaana lagu hubinayay gadiidka & dadweynaha,iyadoo   si  taxadir leh loo xogwareysanayay dadweynaha.

Intaa ka dib ayay Ciidamadu u ruuqaansadeen duleedka magaalada Muqdisho,iyagoo gaaray Calamada iyo deegaanka Ceelasha Biyaha,dadweynaha ayaa u muuqday kuwo ku faraxsanaa howlgalada ay wadeen ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya,maadama ay ka hortagayaan dhagaraha cadowga.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay  sii wadi doonaan Howlagaladan inta laga xaqiijinayo Amniga caasimadda.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa  bulshadu u geysta gabood  qaraxyo iyo weeraro,balse waxaa dhanka kale diyaarsan ciidamo naftooda u huraya in ay shacabku ay ka qabtaan cadowga Argaggixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...