Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta

Date:

Muqdisho, Khamiis, 23 May 2019 —Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysa inay faragalin iyo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii...

Safiirka JFS Uganda oo kulan la qaadatay Odayaasha iyo Waxgaradka ku nool dalkaasi

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare...