Wasiirka Warfaafinta XFS oo si Kulul u Cambaareeyay Qarax ay Argagixisadu la beegsadeen Dad Bakarakacayaal ah

Date:

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay argagixisadu la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo Alle dartii u Sooman malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu Eebbe uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in Alle uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Korneyl Faay Cali Raage oo ka mid aheyd saraakiisha ciidammada Xoogga dalka, kuna dhimatay Qaraxii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarrada Bahalnimo ee ay Argagixisadu shacabka u soo maleegayaan bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira cadowga Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan nabad-diidka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...