Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Date:

Marka-(SNTV)-Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...