Horjoogeyaal katirsanaa Al-shabaab oo Dowlada isku soo dhiibay

Date:

Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Labadaan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud.

Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka.

Raggaan ayaa waxay qeyb ka ahaayeen horjoogayaasha qarsoonย  ee talladaย  kooxda wax ka gooynayay , taas oo ka dhiganย  farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa waxay la socdeen gaari Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Buโ€™aale, iyagooย  ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilaal kala duwan kasoo qabtayย  kooxda Al-Shabaab,Iyadoo ay jagooyinkaas ka mid ahayeenย  xubin u ka ahaaย  Golaha Shuurada waxaa uu umatali jiray ย gobolka Jubbada Hoose,sidoo kale Aadan Coobe ayaa hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa ย gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa lagu hayaa goob nabdoon, saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale