Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada Xoogga dalka ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 59Aad

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Ugu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay  dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 59aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa,

Munaasabada oo ku beegnayd 12 April ayaa loo soo horumariyay maanta oo khamiis ah 11-April 2019 sababta oo lagu sheegay in ay ku aaday Maalin Jimca ah ,sidaasi darteedna maanta ay ka socoto muqdisho xafladda lagu xusay Sanad-guurada aas-aaska Ciidanka xoogga Dalka taas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...