Shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada oo ka furmay Garoowe

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Garoowe ka furay shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada dalka.

Furitaanka shirka ka dib, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray xarumaha wasaaradaha Puntland,isagoo u kuur galayay shaqada xarumadaasi ka socda.

Wuxuuna Guddoomiye Cawad sheegay inuu shirkani ka rajeynayo iney ka soo bixi doonaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya qeyb galaya guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,wuxuuna maanta sii rasmi ah uga furmay magaaladda Garoowe ,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...