Madaxweyne Algeria oo isniinti ballan qaaday inuu xilka iska casilayo ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa ku eg 28 bishan April 2019.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha CabdulCasiis Butafliiqa,ayna baahisay warbaahinta dowladda Algeria.
Bayaanka ayaa sidoo kale waxa lagu ballan qaaday in hey’addaha dowladda ay shaqadooda sii wadan doonaan inta lagu guda jiro wakhtiga kala guurka oo dalka Algeria u gudbayo doorsho.
Bishi Feberuary ayay ahayd markii xisbiga talada haya ee dalka u sharraxeen CabdulCasiis Butafliiqa oo 82 jir ah in uu u tartamo xilka madaxtinnimada Algeria, balse bishi Maarso 11keedi ayaa madaxweyne Butafliiqa ku dhawaaqay in doorashadi dib loo dhigay,CabdulCasiis Butafliiqa ayaa soo xukumayay dalka Algeria tan iyo sanadkii 1999
.