Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Date:

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale.

“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.

Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen Argagaxisada iyo Dukumiintiyo.

“Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...