Dagaal xooggan oo Kooxo argagixiso ah ku dhex maray Soomaaliya

Date:

Boosaaso-(SNTV)- Wararka ka imanaya Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu dagaal qaraar ku dhex maray Kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale , halkaas oo Labada dhinacba uu kasoo gaaray qasaare xooggan.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare) oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan kasoo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen Malleeshiyaad badan.

Daacish oo layad Gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegayaa in ay haatan la wareegeen Kooxda Al-Shabaab, waloow ay weli is hor fadhiyaan Labada malleeshiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay Dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos taga, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku soo dhuuntaan Malleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab.

Dagaalka u dhexeeya kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysta qeyba ka mid ah Soomaaliya ayaa in dhowaalaba ka soconayay degaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay horjoogayaal iyo Malleeshiyaad badan.

Waxanay kooxahani marar badan ku dagaallamaan meelaha ay ku sugan yihiin, si uu mid waliba ugu madax bannaanaado dhaca iyo cadaadiska ay ku hayaan Shacabka iyo qalqal gelinta Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...