Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay agaasime waaxeedyada ee Wasaaradda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sanadka 2019ka ee hiigsiga Wasaaradda,isla xisaabtanka shaqada iyo su’aalo la iska weydiinayay waxyaabihii u qabsoomay la qaaday agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Kullanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa la-taliyeyaal sare oo ku xeel dheer arrimaha ganacsiga,taasoo looga gol-leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxyaabaha kale ee sida aad ah diirrada loogu saaray kulanka waxaa ka mid ah in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sanadkan xoogga saari doonto suuq geynta wax-soo-saarka dalka iyo taya dhowrka badeecadaha dibada laga keeno.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa sheegay in wasaaraddu ay u diyaargaroowday kor u qaadista ganacsiga ee sanadkan,islamarkaana la qorsheynayo ruqsooyinka shatiga ganacsiga laga dhigo hab casri ah si Bulshada Soomaaliyeed ugu heli karaan meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan marka ay eegaan awooda shaqaalaha ay wasaaraddu heysato iney ku guuleystaan qabashada howlo badan oo horyaala sanadkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...