Norway oo 54.3 milyan oo doolar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya.

Date:

Oslo (SNTV) Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto  xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa.

Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsanNikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaag-sanaanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...