Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay wafdi Finland ah

Date:

Muqdisho (SNTV): – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...