Duqa Muqdisho oo Kulan la yeeshay Madaxda Dugsiga Farsamada Gacanta iyo Jaamacadda Bern ee dalka Switzerland

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay dalka Switzerland ayaa kulan mihiim ah la qaatay Madaxda Dugsiga Farsamada gacanta iyo Technology-ga ee Bern oo uu kala hadlay siddii ay gacan uga geysan lahaayeen soo nooleynta Dugsiyadii Farsamada gacanta Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo dugsiyadii farsamada gacanta ee dadka Soomaaliyeed lagu bari jiray xirfadaha kala duwan, isla markaana kaalinta wanaagsan ka qaadan jiray wax-soo saarka, aqoonta bulshada iyo Shaqo abuurka.

“Farsamada Gacantu waa shaqada ugu badan ee ay xoogsatada adduunka ku nool ku shaqeystaan, waana meesha kaliya ay dalalka dunida ku kala horumareen, anaguna waxaan xoogga saareynaa sidii ay dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwa leh xirfado kala duwan oo noloshooda ku maareystaan, maadaama ay guud ahaan dalka %70 dhalinyaro yihiin”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa booqday Jaamacadda Bern, iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyey Prof. Sonja Vogt oo ah barre iyo Cilmi bare dhinaca horumarinta, waxuna kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen horumarinta Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Bern waxa uu kulammo la yeelan doonaan hay’adaha kala duwan ee dalkaas, isagoo u soo bandhigi doona fursadaha maalgashiga u baahan iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Caasimadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...